DF & IMF oo ka shiray dhaqaalaha Soomaaliya

Nairobi (Raxanreeb) — Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa  maanta ka furmay shirka  Dowladda Soomaaliya iyo Ha’adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa sida lagu shaaciyay War kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saarayo  xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw Ee dalka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhorkii sanno ee la soo dhaafay waxa ay dadaal ugu jirtay in dib u habeyn ballaaran lagu sammeeyo hannaanka dhaqaalaha dalka, si deynta looga cafiyo Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.