QM: Soomaaliya waxay wajaheysaa macluul daran

Muqdisho (Raxanreeb) — Qaramada Midoobay ayaa soosaartay digniin horleh oo ku saabsan natiijada ka dhalan karta Abaarta ka jirta Soomaaliya, Gurmad la’aanta haysata Malaayiinta ruux ee Cunno & Biyo la’aanta isugu darsantay iyo saadaasha aan habboonayn ee halista macluusha lagu muujinayo.

Madaxa Hay’adaha isku-dubbaridka Gargaarka Bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ian Riddley ayaa sheegay in Abaartu saameyn taban ay ku reebtay Dalka iyada oo aanay jirin dedaal dheeraad ah oo muuqda.

Ian Riddley ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay halis ugu jirto in ay gasho xaalad macluul ah maadaama jir ahaan ay is baddeleen dadka abaartu saameyta taban ku reebtay ee u baahan cunnada iyo Biyaha.“Billawga Bisha October oo aan joogno weli Abaartu Dadka dhibaato ayay ku haysaa, in ka badan 8 Milyan oo ruux oo baahi hayso & Hal Milyan oo ruux kale oo isaga barakacay Deegaannadooda, 4 wakhti roobaad ma di’in inkasta oo aan ku jirno billawga xilli roobaadka balse waxaa jirta saadaal aan wanaagsaneen oo sheegeysa in markale lagu duuldareysan karo in roobka uu da’o” Ian Riddley.

Waxa uu si gaar ah u tilmaamay deegaanno katirsan DG Koofur Galbeed sida Buur habaka & Baydhabo oo ah Gobolka Baay kuna nool yihiin Dad badan oo Abaarta kasoo barakacay iyaga oo aanay wax haysan ku sugan xeryo barakac.

“Marka aad eegtid sida ay wax u socdaan, qubarrada & Dadka ku xeel-dheer arrimahaan waxa ay saadaalinayaan in lagu guuldareysan karo wakhti roobaad kale oo haddii ay dhacdo xaaladdu isku-baddeli karto macluul, waxaana qarka loo saaran yahay Buur hakaba & Baydhabo oo ay degen yihiin Dad kasoo barakacay Abaarta, way adag tahay in boqolley ahaan loo muujiyo, haddii roobka uu da’o oo gargaarka bani aadamnimo la gaarsiiyo Dadka u baahan taasi waa lagu baajin karaa halista macluusha” ayuu markale yiri Ian Riddley oo ah Madaxa Hay’adaha isku-dubbaridka Gargaarka Bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la hadlay VOA Somali.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka Abaarta & Amni darrada oo ah labada arrin ee ay culeyska saareyso si looga hortago saameynta taban ee ka dhalan karta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.