DF oo Al-Shabaab kala wareegtay deegaano katirsan G/Shabeellaha Hoose

Marka (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo ay horay ugu sugnaayeen Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay warbaahinta dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in howlgalkan oo qorsheysnaa sidoo kale Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Si madax banana looma xaqiijin karo sheegashada dowladda.

Arrintan ayaa ka dhigan in dagaalka ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan Al-Shabaab uu hadda ku fiday gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay wuxuu xooggiisa ka socday gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaasi oo inta badan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlain deegaanada ay dowladda sheegtay in laga saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.