Wararkii ugu danbeeyay Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool maalintii afaraad oo xiriir ah ay xaalad kacsanaan ah ka jirto halkaas oo bannaannaxyo rabshado wata ay ka dhigayaan Shacabka deegaankaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa mararka qaar rasaas ku ridaya Shacabka, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaarto, waxaana saaka Magaalada laas-Caanood lagu arkayaa Shacab careysan oo meelaha qaar xirtay, kuwaas oo ku dhawaaqaya Somaliland dooni meyno, dhimasho ayaan diyaar u nahay nina Laascaanood ugaga carari mayno iyo erayo kale.

Dhinaca kale Somaliland ayaa ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay waddooyinka qaar ee magaalada laas-Caanood, waxaana Maalintii afaraad xiran inta badan goobaha Ganacsiga magaalada.

Laascaanood ayaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan kuwaas oo inta badan lagu beegsanayay haldoorrada magaaladaasi oo kasoo jeeda gobollada waqooyi.

Sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay iyo maantaba waxaa ku geeriyooday dad badan oo tiradoodu kor u dhaafeyso 10 qof halka dhaawacana uu ka badan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.