DF oo sheegtay Al-Shabaab in loogu dilay inkabadan 127

Muqdisho (Raaxanreeb) Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macawiisleyda ee ah dadka degaanka e hubka qaatay ayaa weli waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano katirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Janeraal Biixi ayaa sheegay in intooda badan laga saaray Al-Shabaab degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan soona afjareen, sidoo kalena ay socdaan howlgallada degaannada Gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macawiisleyda ay howlgallada ku dileen in ka badan 127 dagaallame oo katirsan Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada xoogga dalka iyo xoogaga macawiisleyda ee dagaalka adag kula jira Al-Shabaab.

Guluf ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sababtay in Al-Shabaab ay isaga baxaan degaano dhowr ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay inay meelaha ay dalka ka joogaan inay ka saarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.