Waa kuma Nabadoonka lagu dilay Degmada Dharkanlay ee Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon lagu dilay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kooxo bastooladdo ku hubeysan ayaa toogtay Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle) , oo kamid ahaa Nabadoonadda Soomaaliyeed waxaana dilkan uu ka dhacay xaafada Dharkanlay .

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana saakay ka socda Degmaddda Dharkinley ee Magaaladda Muqdisho howlgalo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somaliya.

Horey Al-shabaab ayaa u dilay Nabadoono kasoo jeeday Galmudug gaar ahaan qabaabilka daga degmadda Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan ay ku dagaalamay dadka deegaanka iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay in ay beegsan doonaan qabiiladda Dowladda Soomaaliya ku gacan siinaya dagaaladda ka socda goboladda Hiirana iyo Galgaduud ee Dowladd goboleedyadda Hir-shabeelle iyo Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.