DF oo sheegtay inay qabsatay deegaanka Budbud oo ka tirsan Galgaduud

DF oo sheegtay inay qabsatay deegaanka Budbud oo ka tirsan Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dagalaamayaasha Al-Shabaab ka qabsaday deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay la wareegeen deegaanka Budbud.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu saaka si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud, oo ah deegaan ay degan yihiin dad badan, maanta waxa ay gacanta ugu jirtaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka,” sida uu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qabsashay deegaanka Budbud ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen labadii maalin u dambeesay deegaannada kala ah; Ceel Axmed, Cali Xasan, Ceel saban sablaale iyo Boob oo ah deegaanno kawada tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Qaar ka mid ah Gobollada Dalka ayaa waxaa ka bilaawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay hormuud ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta Dowlad Gobaleedyada, kuwa deegaanka iyo Ciidamo ka kala yimid dowladaha dariska la’ah Soomaaliya.