Al- Shabaab oo laga saarayo degmada Ceelbuur

Al- Shabaab oo laga saarayo degmada Ceelbuur

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa wada- qorshe ay ku – doonayaan in gudaha ugu galaan degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen in kooxda Al- Shabaab ay  ka saraan marka degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur , halkaas oo kooxda in muddo ay gacanta ay ku hayaan.

Ciidanka  Galmudug ayaa u jihaystay dhawaan dhinac degmada Ceelbuur si ay gogol xaar ugu noqdaan ciidamada is garabsanaya si ay u  meesha ugu saaraan Al- Shabaab.

Maamulka Galmudug  ayaa sheegay in howlgaladan sidoo kale qayb ay ka yihiin dadka deegaanka , isla markaana dhawaan ay soo afjari doonaan gacan ku haynta degmada ee Al- Shabaab.

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya & Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan ku howlgalla fasaxa Midowga Afrika iyo Taageerada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo xiran Magaca howlgalka KMG ah ee ATMIS.

Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in waaya-aragnimo wanaagsan laga dhaxlay wajigii koowaad ee howlgallada ee ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug, qaybta labaadna ay ka duwanaan doonto howlgalka wajigii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.