DF oo sheegtay xubno katirsan Al-Shabaab inay dileen

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay warsaxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in xubno katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaas oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda.

Sidoo kale, Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.