DF oo uga digtay Shacabka khataraha Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalim Fiqi ayaa saakay booqday xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib qaraxii Soobe ka dhacday October 29, 2022.

Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale maamulaha xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah oo ugu horreyn wasiirka uga warbixiyay howlaha ilaa hadda ay qabteen ayaa sharaxaad ka bixyey diiwaangelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye kuxigeenka SODMA oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay ka qeyqaadashada gurmadka, isaga oo yiri “Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qayb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka”.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiintaAxmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soojeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Wasiir Fiqi waxaa uu xusay in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab, isaga oo yiri “ Si khasaaraha u yaraado .

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi waxaa uu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud ka tahay dadaallada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda, oo dadka oo dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada qaraxa Soobe, waxaa kale oo ay wasaaraddu uga qeybqaadatay gurmadka $5,000.

Leave a Reply

Your email address will not be published.