DFS  oo joojisay duulimaadkii Baydhabo & shacabka ku xaniban Garoonka Aadan Cadde.

DFS  oo joojisay duulimaadkii Baydhabo & shacabka ku xaniban Garoonka Aadan Cadde.

Muqdisho (Raxanreeb )- Diyaarado dad shacab ah qaadi lahaa oo ku sii jeeday magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur-galbeed ayaa lagu xanibay garoonka  Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaana la sheegay in diideen in garoonka ka dhoofaan diyaaradaha saakay kusii jeeday magaalada Baydhabo

Shalay ayey aheyd markii Sarkaal Ciidan oo ka tirsan Koonfur-galbeed lagu xanibay Garoonka Aadan Cade, inkastoo markii danbe wadahadalo siyaasadeed lagu xaliyey oo dib loogu fasaxay duulimaadkiisii.

Khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen , ayaa sabab looga dhigayaa xannibaadan cusub ee dowladda kusoo rogtay diyaaradaha maalin kasta u duula Baydhabo.

Sidoo Kale warar shalay la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in DFS ay diiday in ay Saraakiil ka tirsan Koonfur-galbeed ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee degmada Baraawe.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur-galbeed waxaa maalmihii u danbeeyay soo kala dhax galay madmadoow Siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.