DFS oo shaqo siinaysa 3,000 oo macallin- kuwii hore halkee ku danbeyeen ?. XOG

DFS oo shaqo siinaysa 3,000 oo macallin- kuwii hore halkee ku danbeyeen ?. XOG

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay  in markale ay qaadaneyso 3,000 oo Macallimiin Soomaaliyeed ah.

Wasaaradda ayaana sheegtay in macalimiinta in ay wax ka dhigaan iskuulada dowladda maamusho, waxaana goobaha macalimiinta laga qaadanayo sanandkan ku jirta deegaannada Khaatumo State.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u qaadatay macalimiin badan oo wax ka dhiga iskuulada dowladda, waxaana fursadan mar kale ka faa’iideysan doona macalimiin badan oo shaqo la’aan dalka ku heesatay.

Wasaaradda ayaa dhowaan soo gabagabeysay qaadashada macalimiinta, oo howlgalay bishii Setember ee sanadkii lasoo dhaafay , tirada macalimiinta ayaa hadda gaareysa 6,000 oo macalimiin oo qeyb ka ah 10,000.

Si kasta macalimiintii hore ay  u qaadatay  Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in caqabad ay ku qabaan helida mushaarkooda , maadama  dowladda uu hoggaamiyo Xasan sheekh dhaqaalle xumo ay la daala dhacayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.