DHACDO : Koonfur Afrika  oo lagu  dilay  wiil &  Abtigiis

DHACDO : Koonfur Afrika  oo lagu  dilay  wiil &  Abtigiis

Muqdisho (Raxanreeb ) Koox   hubaysan ayaa dalka koonfur Afrika waxa ay ku toogteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo xarumo ganacsi ku leh  dalkaas gaar ahaan magaalada Rustenburg ee gobolka North West.

Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xasan Cali, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Sidoo kale labada marxuum ayaa kala ahaa Wiil iyo Abtigiis sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku baxay dilkooda.

Labada nin ee la dilay oo lagu magacaabayay Abdirahim Hassan Ali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim ayaa kala ahaa wiil iyo abtigiis, waxaana weerarkaasi ka bad baaday labo muwaadin kale oo Soomaali ah oo dukaan iyana joogay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay kawaan lagu laayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, mana jiro cid isweediisa dilalka arxanka daran ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesto dalkaasi.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.