DHACDO : Laba wiil & Hooyadood oo dilay aabahii reerka.

DHACDO : Laba wiil & Hooyadood oo dilay aabahii reerka.

Muqdisho (Raxanreeb ) labo wiil iyo hooyadood oo si arxandarro ah u dilay Aabihii reerka, kadibna isaga baxsaday goobta.

Dilka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa la sheegay in uu sababay muran soo kala dhexgalay hooyada iyo aabaha reerka kadibna ay isugu tageen iyaga oo u adeegsaday dilka Tooreeyo.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu soo koriyay wiilasha dilay madaama xaaskiisu ay horey nin kale ugu dhashay.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadal dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya qoysaska is dilaya.

Dhacdooyinkaan yaabka leh ayaa sanadkaan 2024 la curtay oo waxa ay noqdeen falal ku cusub Soomaalida dhexdeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.