Dhimasho & dhaawac ka dhashay shilgaari oo ka dhacay Burtile.

Burtinle (Raxanreeb ) Shilgaari oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaano ka mid ah Puntland.

Halka lagu magacaabo Farjano  ayaa la sheegayaa in Labo qof ay ku dhimatay halka labo kala na ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay   agagaar ka deeganka  degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Allah Ha unaxariistee labada qof ee dhimatay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Cali Geelle iyo Dalxa Cabdiwahaab Ismaacil  halka Labada dhaawaca ah lagu magacaabo Yaxye Maxamuud Cali Geelle oo uu dhalay Maxamuud Cali Geelle oo shilka ku dhintay iyo Maxamed Daahir Aadan oo isna dhaawiciisa lagu dabiibayo Hospitalka

Dadka waxyeelada gaystay ayaa la dhigay goob caafimaad oo ku taala degmada Burtinle waxaana soo hagagaya xaaladda qaar ka mid ah dadka waxyeeladu soo gaartay.

Deegaano dhawr ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhawr mar waxaa ka dhacay shilal – gaari oo waxyeelo gaystay

Leave a Reply

Your email address will not be published.