Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ganacsi oo ku  taalla Boosaaso

Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ganacsi oo ku  taalla Boosaaso

Boosaaso (Raxanreeb ) Faahfaahin kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qaraxya ah oo lagu qaaday goob ganacsi oo ku – taala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland.

Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.

Dableydii weerarka fuliyay oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta ka baxsaday waxaana halkaas gaaray ciidamo ka tirsan Booliska.

Gurmad kala duwan oo lagula tacaalayo in lagu damiyo dabkaan ayaa haatan socda iyadoo shirkadan ay kamid tahay shiradaha waa weyn ee Magaalada Bosaso.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhanka kale duqa Boosaaso oo ka hadlay weerarkan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadam dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.