Dowladda oo isku dayaysa ka hortagista weerarada Hoobiyaasha

Dowladda oo isku dayaysa ka hortagista weerarada Hoobiyaasha

Muqdisho (Raxanreeb ) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta – heegan  galiyay ciidamo fara badan oo boolis ah ka dib weeraro xalay ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa howlgal sidoo kale waxa ay ka bilaabeen degmooyinka magaalada Muqdisho si ay u  sugaan amniga caasimadda oo  marar badan ay ka dhaceen falal amni darro.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarada hoobiyaasha ah ee ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho , In kastoo ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo arrimahan.

Dad ku sugan xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dad la tuhmayo oo loo soo qabtay howlgaladan ka socda maanta degmooyinka magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay goor sii horeysay Taliska  ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in waxa ka dhacayay magaalada Muqdisho ay ahaayeen dheemis dadka looga baahan yahay in ay is dejiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa wax ka qabashada amniga caasimadda oo bishan Ramadaan weeraro ay ka gaystaan kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.