Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo uu wada hadla uga furmayo Sucuudiga

Riyad (Raxanreeb) — Dowladda Sucuudiga, ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah, oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa lagu soo dhaweeyay billowga “wada hadallada horudhaca ah” ee magaalada Jiddah ku dhexmari doonna ciidamada Suudaan, iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF.

Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in wada hadallada ay uga gol leeyihiin in wax loogga qabto arrimaha bini’aadantinimada. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dhanka kale ee ciidamada RSF-ta.

Ciidanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jiddah, si ay wada-hadallada uga qayb-galaan.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, ayaa waxay ku cadaadiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan wada hadal, maadaama ay soo wajahday xaalad bini’aadantinimo oo xun oo ka taagan dalka Suudaan.

Ku dhawaad ​​saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah.

Wadartaas guud, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegay in in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadkani ay u qaxeen dalalka deriska la ah Sudan.

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax al-Burhan – oo ah madaxweynaha Sudan – ayaa dagaal adag kula jira hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.