Hey’adda caafimaadka adduunka oo war kasoo saartay cudurka Covid19

Hey’adda caafimaadka adduunka oo war kasoo saartay cudurka Covid19

Geneva (Raxanreeb) — Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay in cudurka Covid-19, uusan haatan iyo wixii ka danbeeya aanu dunida ku keeni karin “xaalad caafimaad oo halis ah oo caalami ah”.

Bayaanka ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka soo gaba gabeynta cudurkan dunida masiibada ku noqday.

Wuxuu sidoo kale kusoo beegmayaa bayaanka seddex sano ka dib markii ugu horeysay oo ay hey’addu ku dhawaaqday in cudurkani yahay halista ugu weyn ee ay dunida wajahayso.

Saraakiisha ayaa sheegay in heerka dhimashada fayrasku uu hoos uga dhacay tirada aadka u faraha badan, ee in ka badan 100,000 oo qof in usbuucii ay u dhintaan.

Laga soo bilaabo bishii Janaayo ee sanadkii 2021-kii, ayay tirada dhimashada usbuucii sareysay, halka ay haatan noqotay 3,500 in toddobaadkii laga bilaabo 24-kii Abriil ee sanadkan.

Madaxa WHO ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo milyan oo qof ay u dhinteen cudurka Covid19.