Dibad baxyo ballaaran oo ka dhacay Muqdisho

Dibad baxyo ballaaran oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya, ee ku aadan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah, ee dalka, kaas oo haatan maraya marxaladihii ugu dambayay ee ansixinta Dastuurkaasi.

Dibad baxa ayaa waxa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qayb-galay shacab isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Masu’uliyiinta tagay Daljirka, oo ahayd meesha uu ka socday bannaanbaxa ayaa waxaa isgu jireen Maamulka Gobolka Banaadir, kuwa degmooyinka, wasiiro katirsan DF iyo xildhibaano.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa khudbad uu ka jeediyay dibada-baxan ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu muhiim u yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayna wakiil uga yihiin xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaale, ayaa tilmaamay in ansaxinta Dastuurka ay ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan xuquuqdooda gaar ahaan gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka” ayuu yiri Madaale.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa isna ugu baaqay shacabka Muqdisho inay garab istaan dowlada Soomaaliya, si uu u dhaqan galo qorshaheeda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka.

Banaan baxan ayaa kusoo aadaya xilli dalku ku jiro marxalad adag oo la isku mari la’yahay ansaxinta Dastuurka kumeel gaarka ah.