Baraawe (Raxanreeb)- Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Olole ugu jira sidii loo kala jabin lahaa in ka badan 70 xildhibaan kuwaas oo diidan xiligan wax ka bedelka lagu samaynayo Dastuurka KMG ah ee dalka.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii la soo dhaafay qaabilo xildhibaano dhawr ah kuwaas oo uu kala hadlayay arrimo ku saabsan sidii loo meel marin lahaa Dastuurka oo khilaaf uu ka taagan yahay.
Waxa ka soconaya magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed kala duwan oo intooda badan ay riixayaan madaxda hadda xukunka haysa sida Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Villa Somalia ayaa doonaysa in ay ku guulaysato in xildhibaanada labada aqal ay meel mariyaan Dastuurka KMG waxa ayna ku bixinaysaa dadaal kasta oo ay ku dhici karto arrintaas.
Dadwayne badan oo la soo abaabulay ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho waxa ay ka dhigeen dibadbax la sheegay in dadka caasimada ay ku doonayaan inay ku taageerayaan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shirar gaar gaar ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirrada, waxaana Wasiir walba oo xildhibaan ah lagu amray in uu si buuxda uga qeyb-qaato ansixinta iyo meel marinta Wax ka bedelka Dastuurka.
Sidoo kale Wasiirrada aan xildhibaanada ahayn in ay olole xoogan ka dhex-bilabaan xubnaha xildhibaanada beeshooda, si cod ku filan loogu helo ansixinta Dastuurka, waxaana la magacaabay guddiyo si joogta ah uga shaqeeya xildhibaanada dhexdooda.
Si kastaba Illaa 71 xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo Senatar ayaa qoraal ay wadajir usoo saareen ku qaadacay hannaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto Baarlamaanka labada Aqal.
Leave a Reply