Diyaarad Xamuul siday oo ku dhacday deegaanka Jaziira

Diyaarad Xamuul siday oo ku dhacday deegaanka Jaziira

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya  deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday halkaas, iyadoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay shilkaasi.

Diyaaradda, oo la sheegay inay ka timid Dhoobley, ayaa la sheegay inay ku burburtay meel u dhow deegaanka Jasiira.

Maamulka deegaanka iyo goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay shilka, hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay dhicitaanka diyaarada.

Xogta hordhaca ah ayaa muujinaysa in diyaaradda ay ka diiwaan-gashanayd dalka Kenya, islamarkaana ay saarnaayeen ilaa afar ruux. Ilaa hadda lama oga xaaladdooda iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilka.

Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga ayaa gaaray goobta si ay baaritaan ugu sameeyaan dhacdadan. Wararkii ugu dambeeyay ee shilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.