Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo diray shay duulaya oo soo galay hawada Mareykanka

Washington (Raxanreeb) — Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-22 ayaa Jimcihii gobolka Alaska kusoo riday shay aan la garanayn oo meel sare ku duulayay, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, wax ka yar toddobaad kadib markii ay ciidamadu soo rideen buufin uu leeyahay Shiinuhu oo soo gashay hawada Maraykanka.

Afhayeenka waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka oo soo xiganayay Gen. Patrick Ryder ayaa sheegay in gantaalka loo yaqaan Sidewinder lagu soo diray shaygan, oo cabbir ahaan la ekaa gaari yar.

“Ma garanayno cidda iska leh sheygan,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad John Kirby, isagoo intaas ku daray inaysan caddayn halka ay kasoo billaabatay duullimaadkiisu.

Madaxweyne Joe Biden ayaa amaray in lasoo rido sheygan, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Afartii Febraayo, diyaaradadaha dagaalka Mareykanka ee F-22 ayaa xeebaha South Carolina ksoo riday wax ay dowladda Mareykanku ugu yeertay buufinta baasaas oo Shiinahu leeyahay, kadib socdaal toddobaad qaatay oo ay ku soo martay Mareykanka iyo qeybo ka mid ah Kanada.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in buufinkan uu ahaa mid waday sahan cilmibaaris rayid ah, kaas oo ku ambaday hawada Mareykanka.