Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Muqdisho (Raxanreeb) — Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ahaa in ciidmada Somaliland ay la dagaalamayaan ‘aragaxiso, iyo maliishiyaad ku xiran Alshabaab’ waa sida uu hadalka u dhigaye xilli uu waraysi gaar ah siiyey BBC-da qaybteeda focus on Africa, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ee Somalimemo.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in hadalka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiyay Somalimemo.

Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalkaas ayaa sababab barakac ballaadhan oo dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood.