Khasaaraha ka dhashay weeraro qarxya ah oo ka dhacay Sh. Hoose

Marka (Raxanreeb ) kooxda Al- Shabaab ayaa weerar toos ah oo ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen  saldhig ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha  Hoose.

Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa  in kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen , degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolk Shabeellaha Hoose halkaas oo aroortii hore laga maqlayay  jug aad u culus.

Goobjoogayaal ku sugan  deegaanada dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in muddo saacada ah uu dagaalkan  ka soconayay saldhigga ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka sabiib , mararka qaarna madaafiicda ay gaaraysay meelo fog fog.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jabiyeen sida ay sheegeen kooxda weerarka soo qaatay ee Al- Shabaab khasaarana ay gaarsiiyeen.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Sabiid oo 8km u jira  degmada Afgooye wallow aysan jirin warar Madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.