Diyaaradihii siday ilaalada madaxda Jubbaland iyo Puntland oo laga celiyay Muqdisho

Diyaaradihii siday ilaalada madaxda Jubbaland iyo Puntland oo laga celiyay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay amar ku bixisay in dib u laabtaan diyaaradihii siday ciidamada ilaalada hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Guddiga farsamada ee Dowladda Federaalka  u qaabilsanaa la xaajoodka dhigooda golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay la yaab la noqotay amarka celinta diyaaradihii kayimid Garowe iyo Kismaayo oo lahaa rayid iyo kuwa wafuud hordhac ah wadayba, waxaana ay sheegeen in amarka uu kayimi dhinac iyaga ka sareeya.

Lama celin oo kaliya duulimaadyada ilaalada madaxda iyo wafuuda kale waday ee sidoo kale, waxaa la joojiyey duulimadyo rayid ahaa oo hawada kujiray iyo kuwa soo duuli lahaaba, taas oo macno ahaan ka dhigan go`aan toos ah oo kayimi madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Xubno katirsan guddiga golaha Mustaqbalka, ayaa sheegaya in ay dhankooda dhaqangaliyeen dhammaan habraacyadii lagu heshiiyey ee imaanshaha wafuuda hordhac ah, ilaalada amniga iyo safarka madaxda dawlad gobaleedyada, laakiin talaabada dambe ay u arkaan jabinta heshiisyadii la gaaray.

Geesta kale wararka anu ka heleynay ilo ku dhow Villa Somalia, dib u dhac ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ee la filayay inuu maanta furmo, waxaana la sheegay in berri oo isniin ah uu ka furmi doono magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada shirka watashiga ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirkan la filaya in ay xubnaha uga wada-hadlaan sidii loo xalin lahaa cabaqadaha ka taagan doorashada iyo wax-ka-badalka dastuurka oo ay xubnaha mucaaradka in badan ay kazoo horjeesteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.