Diyaarado duqeyn ka geystay Deegaanka Masaajid Cali Guduud

Jowhar (Raxanreeb ) Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  ayaa duqeyn xaga cirka ah ka fuliyay deegaanka  masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe .

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday, sidoo kale Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku sugan bannaanka masaajid Cali Guduud.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn xooggan lala beegsaday kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidanka dowladda isku diyaarinayaan in si buuxda ula wareegaan deegaankaasi.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka ka dhacay deegaankaasi guulo ka sheegtay dowladda iyo sidoo kale Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.