Dowladda federaalka oo ka hadashay rabshadaha ka taagan magaalada Boorama

Dowladda federaalka oo ka hadashay rabshadaha ka taagan magaalada Boorama

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ka xun tahay waxa ka socda magaalada Boorama oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

“Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay. Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan Shacabka deegaanka, in la dhageysto lana tixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale dowladda ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.

Ugu dambeyn dowladda Federaalka ah ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta Dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.