Muqdisho (Raxanreeb ) Sheekh Shaakir oo ka mid ah Hoggaamyaha Ahlu Sunna Waljaamaca oo Dowladdii Farmaajo ay uga adkaatay Gobolada Dhexe ee dalka muddo dheerna ka maqnaa saaxada siyaasada ayaa sheegay in markan dhankooda ay diyaar u yihiin ka qayb galka dagaalka ka dhank ah kooxda Al- Shabaab.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Dowladdii Farmaajo ay ku soo duushay deegaankii ay ka talinayaan , laakiin hadda aysan jirin wax khuilaaf ah oo lala dhaxeeya Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud , sidaas darteeda ay diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan dagaalka.
” Anaga waxaa weerar gardaraha nagu soo qaaday Dowladii Farmaajo , hadana waan taageersanahay Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Intaas waxaa uu warkiisa ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya iyo iyaga uu u socdo wadahadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa imaanaya iyadoo dagaalo xoogaan ay ka socdaan deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud , kaas oo u dhaxeeya dadka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Dowladda laguna diidan yahay kooxda Al- Shabaab
Dhanka kale ma jirto wax heshiis ah oo laga gaaray dagaalkii Degmada Dhuusmareeb iyo deegaano kale oo ay maamulayaan Ahlu sunna laga gaaray , kaas oo dhaxmaray Dowladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxda Ahlu sunna.
Leave a Reply