Dowladda oo soo saartay digniin amni ,& Hotelo la sheegay in la beegsanayo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka  Soomaaliya oo shacabka fartay iney feejignaan xooggan muujiyaan, iyadoo ay dhici karaan falal amni darro oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Si  gaar ah  Dowladra waxa ay sheegtay in suurtagal ay tahay in weeraro ay ka dhacaan Hoteeladda iyo Maqaayadaha waxa ayna dirtay digniin la xiriirta in la feejignaado.

“In la muujiyo feejignaan dheeri ah lana joojiyo isku imaatinka laga maarmo ”  ayaa lagu sheegay  qoraal goor dhow kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

WARKA ay soo saartay Dowladda Federaalka  ayaa lagu sheegay sida tan :

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto

Leave a Reply

Your email address will not be published.