Dowladda oo weerari karta waqti kasta dadka degan Saybiyaano , Muqdisho.

Dowladda oo weerari karta waqti kasta dadka degan Saybiyaano , Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda  Soomaaliya ayaa qorshaysanaysa weerar ay ku qaadeen xaafadaha Saybiyaano halkaa soo ay degan yihiin Qoysas aad u  fara badan soddankii sanno ee la soo dhaafay.

Dad degan xaafadaha  Dowladda ay doonayso ayaa sheegaya in ay soo wajahday  cabsi la xiriirta suurtagalnimada  in ciidanka ay soo qaadeen weeerar ay ku doonayaan in si qasab ah halkaas ay kaga saaraan dadka degan.

Labadii maalin ee la soo dhaafay  xaafadaha Dabdamiska iyo iyo howlaha guud waxaa ka socday abaabul ciidan oo ay samaynayaan dadka degaanka si ay ugu hortagaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Ciidamo fara badan oo boolis  iyo  Nabad sugida ayaa la sheegay in ay loo diyaarinayo ay qaadaan howlgal ka dhan ah dadka degan xaafahaas oo farta wadnaha ku haya.

Dadka qaar gaar ahaan kuwa danyarta ah ayaa goor sii horeysay isaga baxay xaafadaha si aysan u soo gaarin waxyeelo ka dhalan karta haddii  dowladda halkaas.

Taliska  ciidanka booliska ayaa sheegay  dhawaan in dadka halkaas ay isaga guuraan waqtigii loo qabtay haddii ay ka dhaga adeegaan  Dowladda ay ku qasbanaan doonto in ay qaado taalabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.