Shabeellaha Dhexe ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo ciidanka xoogga dalka oo saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Bayaan kazoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu si gaar ciidanka xoogga uga fuliyeen deegaanka Jabad Godane oo maleeshiyaadka Al-shabaab ku lee yihiin saldhgyo.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan weeraro kala duwan, balse la wiiqday awooddooda dagaal iyo abaabul kooxda.
Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee dhanka iskaashiga amni, xog-wadaagga, iyo awood-siinta hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.
Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa mar kale ballanqaadayay in howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Leave a Reply