Dowladda Somalia oo sheegtay in aysan u jawaabeynin Trump

Dowladda Somalia oo sheegtay in aysan u jawaabeynin Trump

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa bartiisa X, ku daabacay qoraal dad badan u arkeen in dowladdu ugu jawaabayso madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo maalmahaan si is daba joog ah weerar afka ah ugu qaaadayay Soomaalida Mareykanka ku nool iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya dal aan dowlad, milatari iyo nidaam midna ka jirin.

“Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda. Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna. Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado” ayuu yiri wasiir Balcad.

Ilaa iyo hadda lama oga in warkaan uu jawaab u yahay hadalladii Trump ee maalmahaan uu wax kaga sheegayay Soomaaliya.

Hadalkaan Cali Balcad ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump oo hadallo adag u adeegsaday Soomaalida uu ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah oo uraya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.