Dowladda Soomaaliya oo badaleysa Taargada iyo Leysinka Gaadiidka

Dowladda Soomaaliya oo badaleysa Taargada iyo Leysinka Gaadiidka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la bedelayo taargadii hore ay isticmaalayeen gaadiidka iyo sidoo kale leysinka baabuurta lagu wado, waxaana la filayaa in dhawaan dowladda soo bandhigto taargada iyo leysinka cusub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan, ayaa shaaciyay in la bedelayo taargada baabuurta iyo ruqsada wadista baabuurta (leysin), waxa uuna xusay in lagu baddelayo kuwa cusub oo casri ah.

Waxa uu sheegay agaasimaha in taargada cusub ee la sameenayo u kala bixi doonaan kuwa loogu tala galay shacabka, gaadiidka dowladda, safaaradaha , gaadiidka gurmadka degdegga iyo mootooyinka isugu jiro bajaajta iyo kuwa laba lugaaleyda ah.

“Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin”.ayuu yiri agaasime Bashiir Macallin.

Agaasimaha ayaa sheegay in sababaha hadda loo bedelayo taargadii hore ee gaadiidka lagu xiri jiray iyo leysinka ay tahay sababo ammni , waxa uuna xusay in kooxaha argagaxisada ku adkaan doonto in ay baabuur qaraxyo kusoo xitaan kuna weeraraan shacabka.

“Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka” ayuu yiri agaasimaha.

Waxa uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka in taargada cusub ee lagu xiri doono gaadiidka ay tahay mid habeenkii iftiimeysa marka gaariga meel la dhigo, waxa uuna xusay buugga lahaanshaha gaariga in lagu beddeli doono hannaan cumputer ku shaqeenaya oo caddeenaya xogta gaariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.