Kambala (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Kambala ee dalka Uganda kaga qayb galaya shir looga hadlayo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS
Shirka ka dhacaya magaalada Kambala ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaadi doono sidii loo sii ambaqaadi lahaa wajiga labaad ee howlgalka Dowladda ee ka dhanka ah Al- Shabaab.
Inta uu kulanka socdo madaxda ka qayb galaysa ayaa qiimeyn ku sameyn doona guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka ATMIS iyo In dib loo eego qorshaha dhimista ATMIS.
Wakiilo iyo madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa qeybgalaya shirkan .
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa marti galinaya shirkan looga hadlaya howlgalka ATMIS ee ka socda Soomaaliya
Hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo bisha December ee sanadka 2024-ka
Leave a Reply