Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay doorashada Puntland

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay doorashada Puntland

Muqdisho (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo loogu hambalyeeyay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, oo mar kale Puntland madaxweyne ka noqday, doorashadaaai oo ka dhacday magaalada Garowe.

Qoraalka kasoo baxay Dowladda Federaalka, ayaa madaxweyne Deni, loogu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee uu ka gaaray doorashada maanta.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada” ayaa lagu yiri waraaxaafadeedka kasoo bacay Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyadda adag ee loo dhiibay Deni inuu ilaahay la garab galo.

“Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu bogaadiyay shacabka ku dhaqan Puntland, baarlamaanka iyo musharraxiinta tartantay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri mar kale.

Doorashadan dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, aya kusoo aadeysa xilli ay jirto khilaafyo kala duwan oo ka dhaxeeya dowladda dhexe, Puntland, iyo SSC- Khaatumo.

Ugu danbeeyn qabaahada doorashadan ayaa meesha ka saartay is qab qabsiga ka jira iyo xaaladdii adkeyd ee mucaaradka iyo Deni, ay isla soo mareen.