Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Buundo cusub oo laga hirgalinaya Degmada Wadajir

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Buundo cusub oo laga hirgalinaya Degmada Wadajir

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay Buundo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha istecmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Ardeyda wax ka barta Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir.

Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle, Buundadaan ayaa ka qeyb qaadan doonta fududeynta isku socodka dadweynaha ku dhaqan Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay goobta ayaa xusay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu Qorshaha uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray.

Dhagax dhigga Buundadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dadweynaha isticmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir ay dhib ku qabeen isticmaalka waddadaan xilli roobaadka, iyada oo ay gabi ahaanba xirmi jirtay waddada taas oo keentay in ay yaraato isticmaalka waddada.