Muxuu yahay Buufinka cabsida ku beeray Mareykanka ee ugu dambeyn la qarxiyay?

Muxuu yahay Buufinka cabsida ku beeray Mareykanka ee ugu dambeyn la qarxiyay?

Washington (Raxanreeb) — Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa soo afjaray cabsi xooggan oo ka dhalatay buufin ay sheegeen in Shiinaha uu u adeegsanayay qaab basaasid ah oo saacado ku qaadatay in ay ka fakiraan goobta ku habboon in ay ku burburiyaan.

Buufinkaan waxa uu nasasho & hoyaad u diiday dad badan oo ku sugan magaalooyinka lagu dul arkay, warbaahinta gudaha ayaa tebin toos ah sameyneysay illaa laga soo afjaro, kana hadlo arrintaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido Buufinka, waxa aan amaanayaa duuliyaasha soo riday ee soo afjaray” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, intaas kaddib waxaa is baddelay xaaladda cabsida ahayd ee taagneed.

Mareykanka ayaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ku eedeeyay in howlo basaasnimo ay la damacsan tahay dalkaas kana feejigan yihiin, tartanka Militari, Midka Ganacsi & Teknoolajiyadda ee u dhaxeeya Washington & Beijing ayaa sii xooggeystay.

Dowladda Shiinaha kama falcelin eedeynta uga timid dhiggeeda Mareykanka, dagaalka afka ah ee Washington iyo Beijing ayaa sii xooggeystay tan iyo markii Mareykanka uu taageeray Taiwan, Shiinaha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay faragalin dhuleed oo lagu sameeyay.