Faahfaahin : Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuqa degmada Dolow ee Gedo

Dolow ( Raxanreeb ) Dabka  xooggan ayaa ka  kacey xaafado ka mid ah kaamka Kabasa ee degmada Dolow Somaliya, ee gobolka Gedo.

ilaa 8 guri ayaa  waxayeelo ka soo  gaartay waxaana gubtay inta badan dukaamada ku yaaala xaafadda Kabaas ee Degmada Dolow.

Madaxa arrimaha Bulshada Degmada Dolow Cabdifitaax Ismaciil Xuseen iyo qaybaha ka duwan ee bulshada ayaa qayb weyn ka qaatey sidii loo damin lahaa islamarkaana loo yareyn lahaa khasaaraha ka dhashey dabkaasi.

Dhawr jeer ayaa sidan oo kale dab uu ka kacay suuqyada qaar ee degmada Dolow halkaas oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.