Odayaasha  SSC oo yiri ‘’ Gacanta ka taaganay wada- hadalkii DENI ‘’

Odayaasha  SSC oo yiri ‘’ Gacanta ka taaganay wada- hadalkii DENI ‘’

Garoowe (Raxanreeb ) Maalmahan waxa magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ka soconaya dadaalo ay hormuud ka ahaayeen Odayaasha dhaqana ee SSC Khaatumo oo ay ku doonayeen in xiisada siyaasadeed ay ku damiyaan.

Kulamo saacado  badan socday ayaa sababay in ugu danbeyn uu ku sood dhamaado fashil iyo is afgaran waa sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo halkaasku sugan.

Madaxwaynaha uu waqtiga ka  dhamaanayo Saciid Cabdulllaahi DENI iyo Odayaasha ayaa isku afgaran waayay hanaanka doorashada ee ay dooda ka qabaan xubnaha mucaaradka.

Waxaa  laga soo wariyay in Madaxwayne Saciid DENI uu Odayaasha uu ku yiri

‘’Isimmoow dhaqan ayaad tihiin, waxaan waa siyaasad waxay u baahan tahay shuruuc ‘’.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Hadalka  Madaxwayne Saciid DENI ayaa dabka ku sii hurinaya rejadii laga qabay in doorasho  la isla ogol yahay ay ka dhacdo deegaanada maamulka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.