Duqeyn lala beegsaday saraakiil Ajaaniib oo ka dhacday Jubbada Dhexe

Duqeyn lala beegsaday saraakiil Ajaaniib oo ka dhacday Jubbada Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan lala beegsaday xubno katirsan kooxda Al-Shabaab, taas oo ka dhacday deegaanka Carabow oo hoostaga gobolkaasi.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala eegtay goob ay ku shirayeen xubnaha Al-Shabaab, kuwaasi oo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan ayaa lagu beegsaday saraakiil sar sare oo ajaaniib ah, kuwaas oo ka bar bar dagaallamayay kooxda isla markaana ku sugnaa goobtaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la dilay ugu yaraan 20 dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka gaadiid iyo saanad millatari lagu beegsaday deegaanka Caraboow.

Xaaladda ayaa ah, mid aad u kacsan iyadoo la ay soo werinayaan dadka deegaanka in ay maqlayeen jug xooggan inkastoo ay sheegeen in ay tagi karin goobta ay wax ka dhaceen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo inta badan ka hadasha duqeymaha lala beegsado kooxda, deegaannada ay maamulaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ma jiro weli wax hadal ah, oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan duqeeyntaasi lala eegtay xubnaha kooxda ee ku sugnaa saldhig ku yaalla deegaanka Caraboow.

Gobollada Jubbooyinka oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab, ayaa inta badan lala eegtaa duqeymo culus taasi oo lagu beegsado xubno sar sare oo ka tirsan kooxda iyo gaadiid ay la socdaalayaan.