MUQDISHO (Raxanreeb) – Goobjoogayaal ayaa sheegay inSarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa darawal Mooto Bajaaj ku dilay waaxda Calasow dheere ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Sida la sheegay dilka ka dib sarkaalkan ayaa isaga baxday goobta uu dilka ka gaystay oo markii dambe ay soo gareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
Dilka loo geystay darawalka Mooto Bajaaj ayaa yimid, kadib markii uu muran kooban uu soo kala dhex galay sarkaalka Booliska ka tirsan iyo darwalka, waxaana markii dambe muranka uu isku bedelay in rasaas lagu huwiyay darawalka oo ahaa wiil dhallinyaro ah.
Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh, Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu waxaa sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan sarkaalka, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.
Qoyska marxuum Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa laamaha amniga dowladda ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigay sarkaalka ka danbeeyay dilka Cabdiraxiin, iyagoona tilmaamay in aan la aasi doonin marxuumka ilaa cadaala laga horgeynayo sarkaalka.
Leave a Reply