Dowladda Soomaaliya ‘’ Amniga hawada Soomaaliya kama jirto khatar ‘’.

Dowladda Soomaaliya ‘’ Amniga hawada Soomaaliya kama jirto khatar ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wixii ka danbeeya hawada Soomaaliya guud ahaan laga maamuli doono magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen  qalqal xag hawada Soomaaliya ah.

Khatar xaga diyaaradaha ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay hawada Soomaaliya taas oo ka danbeysay maamulka hawada is khilaafsan ee Dowladda Soomaaliyo iyo Somaliland.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya”. Sidaas waxa lagu sheegay war ka soo baxay Hay’adda duulista hawada

War ka soo baxay Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si rasmi ah ay ula wareegeen maamulka hawada Soomaaliya isla markaana dhamaan dhaq dhaqaayada ay  si toos ah ula socon doonaan.

” Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA.

Si kasta waxaa maalmahan jiray khalkhal  diyaaradaha ah taas oo abuurtay khatar xoogan oo la xiriirta amniga hawada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.