El-Niño : Khatar  Dowladda  si dhab ah aysan ugu baraarugsanayn

El-Niño : Khatar  Dowladda  si dhab ah aysan ugu baraarugsanayn

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Xaalad Deg deg ah oo ku aadan in daadadka ku fatahay meelo badan oo gobollada Soomaaliya ah, kuwaas oo tobannaan qof ay ku dhinteen, kumannaan kalena ay weli ku go’doonsanyihiin ama ku barakaceen.

Heyadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa soo saartay warbixintii u dambeysay ee saameynta ka dhalatay Roobabka Mahiigaanka ah El-Niño Iyo Fatahaadaha dalka ka socda.

Waxay saameysay Elnino Dowlad Goboleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland sida ay sheegtay heyaddu, waxayna msoo saartay tirakoobka hoos ku xusan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ku saabsan xaalada guud ahaan degaannada ay fatahaadaha iyo daadadka roobabku saameeyeen ka dhageystay guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyaha kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha hay’ada SODMA in dadka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo si hufan, isla-markaana ay laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isku gurmado oo la gacan qabto dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.