Riyadh (Raxanreeb) Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kalena dhiseysa dadaal wadajir ah oo dhanka amniga ah.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ah Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal, iyadoo heshiiskan uu daba socdo heshiis kale oo maalmo ka hor Abshir Cumar Jaamac la saxiixday dhigiisa Sacuudiga
Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb-galay Shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Careebiya isagoo uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda goobta istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu iyo kororka joogtada ee dadka Soomaaliyeed ee horumarka ka sameynaya ganacsiga caalamiga ah ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo Sucuudiga ay mudnaan gaar ah siinayaam, dowladduna ay diyaarisay sharciyo dhaqan gal ah oo loo marayo hannaanka maalgashiga dalka
Leave a Reply