Erdogan oo markii ugu horeysay ka hadlay xariga duqa Istanbul

Erdogan oo markii ugu horeysay ka hadlay xariga duqa Istanbul

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay baaritaanka lagu hayo duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu oo xabsi ku jira.

Edogan waxa uu ku dooday in xisbiga Ribablikaanka ee Dadka (CHP) aanu ka jawaabi karin eedaymaha garsoorka, waxana uu yiri: “Ma dhihi karaan wax musuq maasuq ah kama jiraan dawladda hoose, waxa ay isku dayayaan in ay dadka khiyaameeyaan iyaga oo arrinta ku soo koobay halkudhegyo.

Edogan waxa uu hadalkaan ka jeediyay afur ay lahaayeen Xildhibaanadda oo ka dhacay Xarunta Kongareeska ee AKP.

Edogan waxa uu sheegay in mucaaradka ay ku dadaalayaan sidii ay u muujin lahaayeen in khilaafaadkooda gudaha ama dhibaatooyinka ay ku hayaan sharciga uu yahay arrinta ugu muhiimsan dalka, taasina ay tahay munaafaqnimo meeshii ugu sareysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.