Ciidamo ka tirsan NISA Iyo Booliiska Muqdisho ayaa hadda hoteelka Jazeera kala baxay

Ciidamo ka tirsan NISA Iyo Booliiska Muqdisho ayaa hadda hoteelka Jazeera kala baxay

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan NISA Iyo Booliiska Muqdisho ayaa hadda hoteelka Jazeera kala baxay Weriye Cabdalle Ahmed Mumin, gaari Booliis ah ayay na ku qaateen, lamana oga halka ay u wateen.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu soo qaaday Weriye Abdalle iyo xubnaha qorsheeyay arintan ayaan goordhaw kusoo gudbindoonaa halkan.

Rag dhar cad oo NISA ka tirsan iyo boolis ayaa soo weerray waxayna isku dayeen inay xoog ku wataan balse ilaalada hoteelka ayaa is jii jiid dheer kadib laga watay wariye Cabdalle muumin.

sida la og yahay raga soo weeraray wariye Cabdalle muumin ayaa waxaa soo adeegsaday taliyaha qeebta guud ee gobolka Banaadir macalin mahdi.

Raga weerarka soo qaaday ayaa waxaa hogaaminaayay nin lagu soo gaabiyay magaciisa Faratol.

weerarkan ayaa kusoo aadaayo xili xabsiyadii kuyaalay magaalada Muqdisho ay diideen in sharci daro ay kuxiraan Wariye Cabdalle muumin maadama lagu waayay wax danbi ah balse sida la og soonyahy wariye Cabdalle muumin waxa kiis kiisa gadaal kariixaaya Alcadaala iyo Mahad salaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.