Faaf faahin: dagaal sababay dhimashada 10 qof oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Faaf faahin: dagaal sababay dhimashada 10 qof oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Yaaq-bariweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne e gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada 10 qof iyo dhaawaca tiro kale taasi oo ka dhigeysa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo dhowaan deegaankaasi ka dhaca.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in shakhsiyaadka ku dhintay dagaalka, ay ku jiraan kuwo ay horay maxkamadda ciidamada qalabka sida xukun ugu riday.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, balse laga cabsi qabo in markale uu dagaalka dib u qarxo.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga ee gobolka Shabeellaha Hoose, weli kama aysan hadlin dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.