Faah faahin: hoobiyeyaal maanta lagu garaacay xerada Xalane

Faah faahin: hoobiyeyaal maanta lagu garaacay xerada Xalane

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Hoobiyeyaal maanta lagu gaaracay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

Hoobiyeyaasha qaar  ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta Xalane oo ku dhex taalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halka madaaficda qaar ay ku dhaceen banaankeeda.

Jugta hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, mana cada ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaasha ku dhaceen xerada Xalane.

Geesta kale waxaa garoonka laga shiday seeriga digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis ay jirto, si dadka aysan waxyeelo u soo gaarin.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan hobiyeyaasha lagu garaacay  xerada Xalane, oo ay deggan yihiin hay’addo Caalami ah, safaarado iyo ciidamo shisheeye oo ka howlgalla dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.