FAAHFAAHIN : Kooxda Al – Shabaab oo weerar qaraxyo ah ka gaystay Hiiraan.

Beledwayne ( Raxanreeb ) Wararka Maanta oo Jimcaha ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gobolka Hiiraan weerar qaraxyo ay ka gaysteen gobolkaas.

weerarkan ayaa ka dhacay saldhiga ciidanka Gorgor ku leeyihiin degaanka Burdaar oo magaalada Baladweyne Koonfur ka xigta.

Rag la sheegay iney qaraxyo isku soo xireen ayaa marka hore xerada gallay, kadibna dagaal saacado socday ayaa dhacay halkaas kaasoo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Al-Shabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Al-Shabaab.

Howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe sii xoogeysanayay, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Al- Shabaab ay ka saareen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.